Thursday, March 30, 2017

Alexis Sanchez oo ku guulaystay laacibka bisha ee Arsenal


Weerar yahanka kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez ayaa ku guulaystay laacibka bisha ee kooxdiisa kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu soo bandhigay.
Taageerayaasha kooxda Arsenal ayaa codka ugu badan ugu shubay Alexis Sanchez kaas oo bishaan Maarso dhaliyay 2-gool isaga oo caawiyay goolkii Welbeck ee kooxda Liverpool.
Waana markii 5-aad ee Alexis Sanchez uu ku guulaysto laacibka bisha ee kooxda Arsenal xiliciyaareed kan, wuxuuna markaana ku garaacay abaal marintaan Walcott iyo Xhaka.
Sanchez ayaa helay 63.3% codadkii la dhiibtay, Walcott oo soo galay booska labaad ayaa helay 19.9%, halka Xhaka uu helay 16.8% codadkii la dhiibtay.

0 comments:

Post a Comment