


Iyada oo si wayn looga dagaalamayo kaalmaha sare ee Champions Leaque-ga loogu soo baxayo ayay Reds doonaysaa in ay sii wadato dagaalka ay ugu jirto in ay xili ciyaareedka danbe ka soo muuqato tartanka kooxaha Yurub. Waxaa Anfield ka dhici doona kulankii 228 aad ee Merseyside derby ah.

Tababare Jurgen Klopp ayaa tababarkii maanta ee kooxdiisa dib ugu soo dhaweeyay xidigo ay ka mid yihiin Philippe Coutinho, Emre Can iyo Nathaniel Clyne si la mid ah Daniel Sturridge oo dib ugu soo laabtay Melwood kadib markii uu seegay kulamadii ugu danbeeyay ee Reds.




Laakiin kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaan ka soo muuqan tababarkii maanta ee Liverpool taas oo keenaya in uu wali shaki wayni ku jiro taam ahaanshiisa. Adam Lallana oo muddo bil ah garoomada ka maqnaan doona ayaan sidoo kale ka mdi ahayn xidigaha uu Klopp ku xisaabtamayo. Halkan kaga bogo sawiro badan oo ay Liverpool kooxdeeda kaga qabtay xarunta Melwood ee tababarkii maanta oo khimiis ah.












0 comments:
Post a Comment